Monday, April 13, 2026
HomeWararDEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay Degmada Shibis, waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Qaraxa oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee hotelka orientel, waxaana la sheegay in lala eegtay Gaari Cabdi Bille ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay arkayeen dhaawacyada ilaa Saddex Ruux oo goobta laga qaaday, waxaana Ciidamada qaraxa lala eegtay ay fureen rasaas farabadan.
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo halkaasi ka wada howlgallo kala duwan, waxaana istaagay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe