Wednesday, May 27, 2026
HomeWararAlshabaab oo sheegtay masuuliyadda weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho

Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu weeraray xarumaha 12  degmo oo katirsan gobolka Banaadir.

Weerarkaan ayay Alshabaab sheegeen in ay ku dileen 5 qof ruux oo katirsan shaqaale ku sugnaa goobaha la weeraray, sida lagu sheegay war lagu faafiyay baraha internetka ee kooxda Alshabaab.

Goobaha weeraradan waxaa ka mid ah degmooyinka Kaaraan, Shibis, Boondheere, Wardhiigleey, Howlwadaag, Wadajir, Dharkeenleey, Hodan, Yaaqshiid, Hiliwaa, Dayniile, iyo Garasbaaleey.

Waa weerarkii labaad oo ka dhaca qeybo kamid ah magaalada Muqdisho muddo todobaaad gudihiis ah. Dhowaan ayay ahayd markii Alshabaab ay weerareen xarumo ciiddan oo kuyaala Muqdisho.

Waxay markii ugu horraysay muddo sanado kadib Alshabaab gacanta ku dhigeen saldhig ciiddan oo kuyaala degmada Kaxda, iyagoo kadibna horey usii qaatay labo gaadiid oo ciidanka boolisku lahaayeen.

 

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe