Water deg deg ah oo naga soo gaaray Baladweyne ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay magaalada.
Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa aaga madaxtooyada Baladweyne iyo Lamagalaay.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamo taabacsan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed iyo ciidan daacad u ah qaar kamid ah musharaxiinta Xildhibaanimo.
Ciidamada Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa salka ku haya kuraasta beesha Xawaadle oo Yuusuf Dabaged uu kasoo hor jeestay in si furan loogu tartamo iyadoo Madaxweynaha Hirshaballe Cali Guudlaawe uu amray in kuraasta aan cidna loo xirin taa oo musharaxiinta ay ku taageereen.
Dabageed ayaa doonaya in kuraasta uu u xiro shaqsiyaad ay wadato Villa Somalia.

