Sunday, March 23, 2025
HomeUncategorizedDeg Deg: Afgembigii militariga Gabon oo dhicisoobay

Deg Deg: Afgembigii militariga Gabon oo dhicisoobay

Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa barta Twitter-ka kaga hadlay isku dayga afgembiga militari ee dhicisoobay ay wadeen ciidamada dalka Gabon.

Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika Muusa Faki ayaa sheegay in AU ay si xooggan u caambaareyneeso isku dayga afgembiga militari.

Wasiirka isgaarsiinta ee dalka Gabon ayaa BBC u sheegay inay xireen afar kamid ah ciidamadii isku dayay inay afgembiyeen madaxweynaha dalkaasi.

Halka askarigii shanaad la baadigoobayo.

Dadka ayaa baraha bulshada soo geliyay muuqaallo muujinayo rasaas ka dhaceysa waddooyinka caasimadda Libreville iyo dadweyne halkaasi dhooban.

QORAALADA LA XIRIIRA

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe