Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Shaacisay in Xayiraddii saarneyd xoolaha soomaaliya ee loo dhoofin jiray dibadda laga qaaday.
Sheekh Nuur Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in hadda xayiraaddii laga qaaday dhoofinta Xoolaha Somalia.
Mr Sheekh Nuur ayaa hoosta ka xariiqay in arrintaan ay timid kadib markii ay dadaal dheer u galeen sidii Sacuudiga loogu qancin lahaa in been abuur uu yahay warka la xiriira in Xoolaha Somalia ay xanuunno qabaan.
Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in dhowr shir ay la yeesheen Sacuudiga kadib iyo Hay’adaha arrintaasi ay quseyso ay isku afgarteen in xayiraadda si rasmi ah looga qaado.
Sacuudiga ayaa horay u xayiray xoolaha Somalia looga dhoofin jiray kadib markii ay sheegeen in xoolaha Soomaalida xannuo qabaan balse tallaabadaan ay ku dhawaaqday Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa la rumeysan yahay haddii ay hir gasho in ay wax badan ka tari doonto dhaqaalaha dalka marka loo eego in Xoolaha ay qeyb ka yihiin ilaha dhaqaale ee dalka Somalia ugu Muhiimsan.