Ciidanka Amaanka Dalka Kenya ayaa sheegay in ay billaabeen howlgal ay ka fulinayaan degaanka Xeebta ah ee Lamu halkaas oo lagu sheegay in ay ku jiraan xubno Kenyaan ah oo ka mid ah AL-shabaab.
Saraakiisha Ciidanka Kenya ayaa sheegay in xubnaha ka tirsan Al-shabaab ay degaanka dhawaan ku laabteen iskana diideen in ay dowladda isu dhiibaan iyaga oo ku dhuumanaya Keymaha Lamu.
Guddoomiyaha Gobolka Lamu ,Joseph Kanyiri s, oo kulan la qaatay saraakiisha amaanka ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay billaabeen howlgalkaas lagu doonayo dadka ka laabtay Soomaaliya ee dhinaca Kenya galay kuwaas oo ka tirsan Al-shabaab.
Dadka degaanka iyo Qaraabada Raggaas ayuu uga digay in ay qariyaan,waxaana uu sheegay in qoyskii lagu helo in Raggaas ay gabbaadsiiyaan loo bartilmaameedsan doono sida kuwa la raadinayo oo kale.
Joseph Kanyiri,ayaa sheegay in dadka degaanka Lamu,Gobolka Gaarisa iyo guud ahaa waqooyi Bari Kenya ay qaarkood la shaqeeyaan Al-shabaab islaamrkaana siiyaan warbixinnada la xiriira howlgallada Ciidanka Amaanka Kenya.
Waxaa uu dadka degaanka ugu baaqay in aysan u kala qeybsamin Diin islamarkaana ay Ciidamada amaanka kala shaqeeyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.