Wednesday, January 22, 2025
HomeWararDawladda Britain Oo Sheegtay Inay Sii Waddeyso Taageeridda Soomaaliya.

Dawladda Britain Oo Sheegtay Inay Sii Waddeyso Taageeridda Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in ay sare u qaadi doonto taageerada dhinaca gargaarka ah ee ay siiso qaxootiga Soomaalida ah ee dalka dib ugu soo noqonaya.

Ingiriiska ayaa sheegay in qaxootiga ku soo noqonaya gudaha dalka ay u baahan yihiin gargaar dheeraad ah, maadaama noloshooda ay horay ugu tiirsaneyd kaalmo ay ka heli jireen ururada gargaarka.

Dowladda Ingiriiska ayaa xustay in taageero wax ku ool ay ka gaysan doonto barnaamijyada dib loogu dejinayo dadka ka noqonaya xeryaha qaxooti ee ku yaalla dalalka Kenya iyo Yemen.

Laanta qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa horay u sheegtay in Soomaaliya ay ku soo celisay illaa 80,000 oo qaxooti Soomaali ah ku noolaa xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Dadkaasi qaxootiga ah ayaa waxaa dib u soo celintooda iska kaashaday dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya iyo hay’adaha UNHCR

Dowladda Ingiriiska ayaa waxaa ay ka mid tahay dowladdaha kaalmada ugu badan siiiyo Soomaaliya oo ay weli kaa taagan tahay dhibaatooyinkii ay keeneen abaarihii soo noq noqday ee ku dhuftay dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe