Thursday, August 20, 2026
HomeWararDibaddaDarawal Soomaali ah oo lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay...

Darawal Soomaali ah oo lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay dalka Koonfurta Suudaan.

Muwaadin Soomaaliyeed oo Darawalnimada uga shaqeynsan jiray dalka Koonfurta Suudaan, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay kooxo hubeysan ku qaadeen gobolka Jonglei ee  Koonfurta  Sudan.

Elizabeth Nyadak John, oo ah wasiirka  warfaafinta ee gobolka, ayaa sheegtay in muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay uu kamid ahaa kolonyo gaadiid ah oo raashin gargaar ah u waday degmada Uror oo ku taal Gobolka Jonglei.

“Kolonyo 10 baabuur ah ayaa ka baxay caasimadda gobolka Bor si ay raashin gargaar ah u gaarsiiyaan waqooyiga gobolka. Nasiib darro, 10-kii baabuur ee ugu dambeeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Duk Panyang Payam oo ay weerareen kooxihii weerarka geystay, darawalkiina waxaa lagu toogtay isla goobta ,” ayay tiri Elizabeth Nyadak John.

Wasiir Nyadak ayaa dhaleeceeysay dhacdadan, waxayna sheegtay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan oo lagu doonayay in lagu hor istaago raashin la gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan.

“Gawaarida xamuulka ah lama dhicin sida xogta aan ku hayno. Waxay beegsadeen gaarigii ugu dambeeyay ee siday raashinka WFP iyagoo rasaas ku furay gaariga kadibna madaxa ayay ka toogteen darawalkii, ayay hadalkeeda ku dartay.

“Sababta waxaan uga shakisannahay inay tahay in aysan doonayn dadkayaga soo laabtay ee ka soo laabtay Suudaan iyo Itoobiya inay helaan cunto,” ayay raacisay hadalkeeda.

Guddoomiyaha gobolka Duk, Peter Latjor Chuol ayaa sidoo kale xaqiijiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay in aaan wali la aaasin meydka darawalkii la dilay.

Soomaali badan ayaa dalka Koonfurta Suudaan uga shaqeysta shaqooyinka darawalnimada gaadiidka xamuulka qaada. Weli safaaraadda Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan war rasmi ah kamasoo saarin dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

 

Around The Web

Sponsored
 Exploring the Top 50 Beach Paradises Across the Globe

Exploring the Top 50 Beach Paradises Across the Globe

bakeinto
The 50 Most Romantic Hotels of the Year

The 50 Most Romantic Hotels of the Year

369Rocks
Four Easy Tips to Keep Your Kids Safe Online

Four Easy Tips to Keep Your Kids Safe Online

How Long Should I Keep My Car?

How Long Should I Keep My Car?

Stop Paying Too Much for Your Prescriptions - Compare Prices, Find Free Coupons,

Stop Paying Too Much for Your Prescriptions – Compare Prices, Find Free Coupons,

Standing with the People of Ukraine

Standing with the People of Ukraine

Nine Kinds of Ancestors You Could Find on Your Family Tree

Nine Kinds of Ancestors You Could Find on Your Family Tree

Walmart Center for Racial Equity Update: Advancing Equity in Criminal Justice

Walmart Center for Racial Equity Update: Advancing Equity in Criminal Justice

Five Destinations to Explore During Hispanic Heritage Month

Five Destinations to Explore During Hispanic Heritage Month

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe