Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa soo gabagabeeyey safarkiisii shaqo ee Soomaaliya ku matalayey dalka Kenya, ka dib munaasabad sagootin loogu sameeyey dalka Kenya.
Munaasabad sagootin ah ayaa loogu qabtay xarunta Wasaaradda ArrimahaDibadda ee Dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo soo gabagabeeyay mudadii uu ahaa safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Dr. Abraham Korir Sing’Oei, Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Arrimaha Dibadda Kenya, marti sharaf kale, iyo xubno ka socday diblumaasiyiinta Kenya.
DanjireTarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana intii uu xilka hayay uu kaalin mug leh ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu kaloo ahaa nin aad ugu ololeeya nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika iyo Geeska Afrika.
Danjire Nuur ku bogaadiyay adeeggiisa wanaagsan iyo wax qabadkiisa la taaban karo ee ku aaddan horumarinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Danjire Nuur “sida shaqsi ahaaneed ee ay uga go’an tahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika”.
Dr. Sing’Oei oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in danjire Nuur uu ahaa “saaxiibka qiimaha badan” iyo “saaxiibka dhabta ah ee Kenya”. Waxa kale oo uu ku ammaanay “dadaalka hagar la’aanta ah ee uu ugu jiro horumarinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.”
Danjire Nuur ayaa sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo dowladda Kenya sida diiran ee ay u soo dhaweysay iyo “taageerada hagar la’aanta ah” ee ay la garab istaagtay mudadii uu xilka hayay. Waxa kale oo uu aad ugu mahad naqay asxaabtiisa iyo hawl-wadeenadiisa “Shacabka iyo dedaalka ay muujiyeen”.

