Sunday, October 13, 2024
HomeWararDanjiraha Turkiga Ee Soomaaliya Oo Ballan-Qaaday Xoojinta Xariirka Labada Wadan

Danjiraha Turkiga Ee Soomaaliya Oo Ballan-Qaaday Xoojinta Xariirka Labada Wadan

Danjiraha cusub ee Dowladda Turkiga dhawaan u soo magacawday Soomaaliya  Mehmet Yilmaz,ayaa ballan qaaday in uu ka shaqeynayo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga sidii uu u xoogeysan lahaa.

Waxaa uu sheegay in Dadka Turkiga iyo Dadka Soomaaliya ay yihiin dad walaalo ah inta uu xafiiska joogana uu ka shaqeyn doono sidii uu u sii horumarin lahaa xiriirka labada shacab iyo labada dowladood dan toodana ka shaqeyn doono.

Mehmet Yilmaz,ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo waxaa shalay ka guddoomay Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku qaabilay Xarunta Wasaaradda arrimaha dibaddaee Muqdisho.

Yilmaz ayaa beddelay Olgen Baker oo muddo ka badan afar Sano Safiir u ahaa Turkiga,kaas oo wax badan ka qabtay xiriirka iyo taageerada Turkiga ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u mahad celiyay Dowladda Turkiga iyo taageeradeeda Soomaaliya,waxaa kale oo uu guul u rajeeyay danjiraha cusub.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe