Saturday, July 25, 2026
HomeWararGudahaDalalka soo diray Ciidanka AUSSOM Soomaaliya oo ka shiraya Mustaqbalka Howlgalkooda

Dalalka soo diray Ciidanka AUSSOM Soomaaliya oo ka shiraya Mustaqbalka Howlgalkooda

Khubarro Ciidan oo ka kala socda Dalalka Soomaaliya usoo diray Ciidanka Midowga Afrika ee howlgalla AUSSOM ayaa ka shiraya qorshaha mustaqbalka howlgalkooda haddii la waayo dhaqaalaha loo raadinayo sii wadista howlgalkaan.

Waxa ay diiradda saarayaan xal u helista su’aalaha miiska saaran ee jawaabaha u baahan sida in lasii wado howlgalkaan, raadinta dhaqaalaha loo baahan, haddii loo baahdo in ciidamada la dhimo iyo haddii la damco in dalalkooda dib loogu celiyo.

Khubarradaan ayaa najiitada kasoo baxda kulankooda waxaa lagu biirin doonnaa qodobadii kasoo baxay shirarkii dhacayay tan iyo 8dii bishaan iyo kuwa kale ee qabsoomaya maalmaha ka dhiman Bishaan dhammaadka ah ee July sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Madaxda ku deeqay Ciidanka Afrimaanka ah ayaa 31ka July 2026 waxa ay ku ballansan yihiin Magaaalada Kampala ee Caasimadda Uganda iyaga oo baaq wadajir ah soo saari doonna kaddib marka ay is xog-warraystaan sida laga soo xigtay ilo ku dhow kulankooda.

Ciidamada joga Soomaaliya ayaa ka kala yimid wadamada kala ah, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya iyo Uganda kuwaa oo mudo dheer joogay soomaaliya si ay nabad ugu dhaliyaan taas oo ilaa iyo hada aan muuqaan wax hormar ah oo ay ka sameeyeen Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay qudheeda madasha wadahadalka ay soo dhigi doontaa qorshaha isku filnaashiyaha ciidankeeda, waxyaabaha ay u baahan tahay in laga gacansiiyo iyo baaqa ay gaarsiinayso dalalka taageera howlgalka Midowga Afrika tan iyo markii uu soo billowday oo ah sannadkii 2007

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe