Home Uncategorized Dalalka kujira AMISOM oo walaac ka muujiyay hub la tuhunsan yahay in...

Dalalka kujira AMISOM oo walaac ka muujiyay hub la tuhunsan yahay in Al-Shabaab heshay!{sawiro}

249

Kulan ay yeesheen Wasiiro katirsan waddamada Ciidamada AMISOM ugu haboohay Soomaaliya waxa ay uga hadleen xaaladda ammaan ee Soomaaliya, warbixinta Qaramada Midoobay & walaaca la xiriira dhaqaalaha & hubka ay heshay Al-Shabaab.

Shabakadda Wararka Taarifa ee dalka Rwanda oo daabacay xogta sheekadaan ayaa sheegay in kulankaan uu daba-socday fadhiga Golaha Ammaanka Qaramada midoobay ee Khamiistii oo warbixin kasoo saaray xaaladda Shabaab.

Kulanka Wasiirada Difaaca Dalalkaan ku deeqay Ciidamada AMISOM ee xiran Koofida Cagaaran ayaa laga dhex sheegay in Al-Shabaab ay adeegsaneyso Odoyaasha & dadka ay u aragto in ay ka garabsiin karaa olole ay ku qoraneyso dhalinyaro ku biirta.

Shakabadda Taarifa ee dalka Rwanda laga leeyahay oo daabacday xogtaan ayaa intaa raacisay in meelaha ay maamusho Al-Shabaab gaar ahaan Koofurta Soomaaliya in ay ka qoroneyso dagaal yahanno cusub, waxaana howhaas u fududeynaya Shaqsiyaad ay qasbayaan.

Wasiiradda Gaashaandhigga Kenya, Djibouti, Burundi, Ethiopia & Uganda ayaa bogaadiyay doorka Dowladda Soomaaliya ay ku leedahay dadaalada dhanka siyaasadda gaar ahaan qabashada Doorashada 20/21.

Hiil Walaal * AMISOM in Action Episode 42 - YouTube

Bayaanka wadajirka ah ayaa lagu sheegay in boqolaal carruur ah ay ka baxsadeen goobaha ay maamusho Al-Shabaab sabab la xiriirta qaabka qasabka ah ee loogu askareynayo si hub ay u dhiibto.

Shantaan Wasiir ayaa hoosta ka xariiqay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika si looga gudbo caqabadaha loona dejiyo qorshe cusub oo lagu wajahayo isbadal waliba oo soo ifbaxa.

AMISOM honors Staff Officers for their contribution towards peace and stability in Somalia - AMISOM

Uganda, Burundi, Djibouti Ethiopia & Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo Militari ah oo ku howlgalka magaca ururka Midowga Afrika, tiro ahaan waxa ay ka badan yihiin 20-kun oo askari, waxaana intaas dheer AMISOM & Ciidamo gaar ah oo ilaaliya xafiiska Qaramada Midoobay.

Wali si rasmi ah looma soo bandhigin magaca dalka & nuuca hub ee Al-Shabaab la siiyay, balse 31-kii Oktoobar 2020, Warbixin soo baxday Guddiga Qaramada Midoobay ee la socodka cunaqabatayta saaran Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaafiic ay soosaartay Kuuriyada Waqooyi Al-Shbaab ku weerartay Xafiiska Qaramada Midoobay oo ku yaalla Xerada Xalane.