Home Warar Dalalka Khaliijka oo dhowr qodob ku heshiiyey

Dalalka Khaliijka oo dhowr qodob ku heshiiyey

117

Dowladaha khaliijka ayaa heshiis ku gaaray in ay u midoobaan difaaca Amniga dalalkooda iyo inay ka gudbaan khilaafka dhexdooda yiilay.

Arrintan ayaa timid ka dib markii shirka 41-aad ee dowladaha khaliijka uu ka dhacay dalka Sacuudi Carabiya ay ku gaareen heshiiskaas oo dhowr qodob ka kooban.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani, taasi oo aheyd markii ugu horreysay ee uu dalkaas tago tan iyo markii labada dal ay is-khilaafeen sanadii 2017.