Saturday, December 6, 2025
HomeWararDagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Bacaadweyn

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Bacaadweyn

12 ka tirsan xoogagga Ururka Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug maalintii shalay.

Al-shabaab ayaa weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday ku qaaday Isniintii shalay deegaanka Bacaadweyn oo la sheegay in saacado kooban ay la wareegeen.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa in ciidamada dowladdu iska caabiyeen weerarka uga yimid dagaalyahannada Al-shabaab, isaga oo yiri ””Ciidamadeennu waxay fashiliyeen isku daygii dagaalyahannadu ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan saldhigga. waxaan ka dilnay 12 ka mid ah iyadoo ciidammaduna ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday,”

Gobollada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa xudun u ah dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab kaddib markii  Al-Shabaab laga eryay magaalada Muqdisho bishii Ogosto ee sanadkii 2011-ka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe