Friday, April 26, 2024
HomeWararDagaalo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

Dagaalo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga gelayaa dagaalo geystay khasaaro kala duwan oo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidmada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen Saldhig Ciidmada Kenya oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degaanka Cabdalla Biroole, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday kudhawaad Saacad.

Dadka degaanka Cabdalla Biroole qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay  maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha dagaalka kasoo gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dhinaca kale dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubbland iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Baarsanguuni ee duleedka Ksimaayo, kadib markii ay Al-Shabaab weerareen Saldhiga Ciidamada Jubbland.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Baarsanguuni ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidmada Jubbaland oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay howlgallo ka wadaan duleedka degaanka Baarsanguuni iyo deegannada u dhow.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe