Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo dagaalyahano ka tirsan AS ayaa ka socda deegaanka Basra oo dhaca inta u dhexeysa Balcad iyo Afgooye, dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii AS ay weerareen saldhiga ciidamada
Dadka deegaanka Basra ayaa soo sheegaya in dagaalka uu yahay mid xooggan oo la maqlayo rasaas culus ay isdhaafsanayaan ciidamada Nabadsugida, kuwa Booliska Haramcad oo isku dhinac ah iyo AS soo weeraray deegaanka Basra.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, laakiin saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka AS, iyaga oo intaas kusii daray inuu dagaalka ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinacyada kala gaaray.
Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo deegaanka Basra ayaa sheegaya in weli xaaladda ay tahay mid kacsan, isla markaana ciidamada dowladda Federaalka ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan, waxaana la tilmaamay inay dagaalka ku biireen Boolis Milataaro.

