Tuesday, September 26, 2023
HomeWararDibaddaDagaal saacado badan qaatay oo gobolka Bakool ku dhexmaray ciidanka Itoobiya iyo...

Dagaal saacado badan qaatay oo gobolka Bakool ku dhexmaray ciidanka Itoobiya iyo As.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo aroornimadii hore ee saakay ku dhexmaray ciidanka Itoobiya iyo kuwa As deegaanka Booco oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Itoobiya oo ku socday degmada Waajid ay weerar dhabagal ah la eegteen xubno ka tirsan As.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo qaatay saacado badan, kaasoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayay deegaano ka fog fog goobta uu dagaalka ka dhacay.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka deegaanka Booco ku dhexmaray ciidamada Militariga dalka Itoobiya ee qeybta ka ah ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka dhinacyada saakay ku dagaalamay deegaanka Booco ee gobolka bakool iyo waliba maamulka gobolka Bakool oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaaalka.

Deegaanada gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha wali ay ku xoogan yihiin kooxda As oo haatan inta badan laga soo fara maroojiyay inta badan deegaanadii ay kaga sugnayeen gobolada Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Shabeellaha Dhexe.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe