Thursday, July 16, 2026
HomeWararDibaddaDagaal lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Asoo ka dhacay degmada Bardaale

Dagaal lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Asoo ka dhacay degmada Bardaale

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Baay, kadib markii xubno ka tirsan Ururka Asay weerar ku qaadeen gudaha degmadaas.
Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo socday mudo ku dhaw laba saacadood oo xiriir ah.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in dagaalkaasi khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda As, islamarkaana lagu dilay dagaalka malesshiyaad dhowr ah iyo horjoogahii xubnahii weerarka ku qaaday degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay wali ku xoog badan yihin kooxda As, kuwaas oo inta badan weeraro toos ah iyo kuwa gaadma ahba ku qaada deegaano iyo degmooyin ku yaala gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe