Saturday, May 2, 2026
HomeWararDibaddaDagaal culus oo As iyo ciidanka deegaanka ku dhexmaray gobolka Hiiraan

Dagaal culus oo As iyo ciidanka deegaanka ku dhexmaray gobolka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo barqanimadii maanta ka dhacay tuulada Caag sibiri oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid u dhaxeeyay ciidamada dadka deegaanka iyo xubno ka tirsan kooxda As ayaa yimid kadib markii kooxda shabaab ay weerar ku qaaday fariisin ciidanka deegaanka ku leeyihiin halkaas.

Wali si rasmi ah loma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray As iyo ciidanka dadka deegaanka ee barqanimadii maanta ka dhacay tuulada Caag sibiri, kaasoo la sheegay inuu qaatay hal saac oo xiriir ah.

Sarkaal ka tirsan ciidanka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay iney iska difaaceen weerarka kaga yimid Shabaab, islamarkaana deegaanka ay wali ku sugan yihiin ciidanka Macawiisleeyda.

Weerarkaan ayaa imaanaya, iyadoo kooxda As ay wali awood badan ku leedahay deegaanada dhaca Galbeedka gobolka Hiiraan, kadib markii kooxda laga soo saaray dhamaan deegaanada Bari ee gobolka Hiiraan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe