Thursday, April 18, 2024
HomeWararDad ku dhintay weerar Hoobiyeyaal ah oo ka dhacay degaan katirsan Shabeellaha...

Dad ku dhintay weerar Hoobiyeyaal ah oo ka dhacay degaan katirsan Shabeellaha Dhexe

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay xilli dambe waxaa ay weerar hoobiyeyaal ahaa ku qaadeen degaanka Biyo-cadde oo u dhow degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen Guryo ay degan yihiin dad rayid ah oo kuyaalla meelo u dhow Xerada Ciidamada ATMIS ee degaanka Biyo-cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS dhankooda ay tiro hoobiyeyaal ah uga jawaabeen weerarka madaafiicda ah ee lagu soo qaaday, waxaana mararka qaar la maqlayay rasaas ay is dhaafsanayeen dhinacyada Ciidamada ATMIS & Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Biyo-cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, hayeeshee dadka degaanka qaarkood ay bilaabeen inay barakacaan cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo maadaama degaanka ay culeys soo saareen Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fulinayaan degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana 3-dii Bishaan ay aheyd markii weerar qaraxyo ku billowday oo ay ka fuliyeen degaanka Ceelbaraf ay ku dileen Askar farabadan oo u dhashay wadanka Burundi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe