Home Warar Dad ku dhintay qarax mas’uul lagula beegsaday Muqdisho

Dad ku dhintay qarax mas’uul lagula beegsaday Muqdisho

125

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Warshada Xeyle Bariise oo u dhow Isgoyska Ex-koontrool Balcad, waxaana la sheegay in lala eegtay gaari uu watay Agaasime ka tirsan dowladda.

Qaraxa Miino ayaa waxaa lala eegtay Gaari uu watay Agaasime Waaxeedaka degaanka Daaru-salaam ee degmada Yaaqshiid, kaas oo la sheegay in uu ka badbaaday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa oo aad u xooganaa ay ku dhinteen laba Ruux hal askarina uu ku dhaawacmay, sidoo kalena ay ku burburtay mooto Bajaaj wadada mareysay xilliga uu qaraxa dhacayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxaas balse aysan howlgalka ku qaban.

Laamaha amniga dowladda Soomaaliya weli kama hadlin qaraxaas, hayeeshee qaraxyada nooca miinada dhulka lagu Aaso ah ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay kusoo bateen Magaalada Muqdisho.