Monday, May 11, 2026
HomeWararDad ku dhintay duqeyn ka dhacday Xero Qaxooti Waqooyiga Itoobiya

Dad ku dhintay duqeyn ka dhacday Xero Qaxooti Waqooyiga Itoobiya

Diyaaradaha Dagaalka Ciidanka Cirka Itoobiya ayaa saaacadihii la soo dhaafay waxaa ay duqayn ka fuliyeen Xero Qaxooti oo ku taalla Waqooyiga Itoobiya gaar ahaan Gobalka Tigray:
Shaqaalaha gargaarka ee QM ayaa sheegay in Duqayn dhanka Cirka ah ay Dowladda Itooboya ka fulisay Waqooyi Galbeed Gobalka Tigray ay ku dhinteen 56 qof oo Rayid ah.

Qaar Katirsan shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in shaqa joojin ay ka dhacday xerada Qaxootiga ee ku taal magaalada Dedebit ee waqooyi bari ee gobolka Tigray una dhow xudduudda uu la wadaago Ereteriya kadib duqayntii agaas ka dhacday.
Shaqaalaha Gargaarka ayaa Wakaalada Reutres u diray Sawiro ay ka qaadeen Dadka ku wax-yeloobay Duqaynta oo ka geeyay Ispitaalada sawirada waxaa kujiranCaruur yaryar.
Xukuumadda Itoobiya ayaan weli ka hadlin duqeynta la sheegay in Ciidamada cirka waddankaas ay la beegsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa Xero qaxooti oo ku taalla Waqooyiga Itoobiya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe