Home Warar Dad ku dhintay dagaal dhex-maray Soomaali & Cafarta

Dad ku dhintay dagaal dhex-maray Soomaali & Cafarta

315

Ugu yaraan Saddex qof ayaa lagu dilaay laba kalana waa lagu dhaawacay dagaal tuulada Garbo-Ciise ku dhex maray Soomaalida iyo Cafarta.

Qaar ka mid ah odayaasha deegaanka Garbo ciise oo BBC la soo xiriiray waxay sheegeen dagaalka shalay billowday inuu ilaa iyo xalay socday.

Tuulada Garbo-Ciise oo hos timaadda degmada Afdam ee gobolka Siti ee deegaanka Soomaalida labadi sano ee ugu dambeeyey dagaal ay dad badan ku dhinteen ayaa ku dhex marayey Soomaalida iyo Cafarta.

Wararkii ugu damebeyay ee haatan lag laga helayo tuulada Garbo-Ciise ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, balse ay weli ishor-fadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay