Sunday, May 31, 2026
HomeWararGudahaDad ku dhintay ceel ku yaala magaalada baydhabo

Dad ku dhintay ceel ku yaala magaalada baydhabo

Inta la xaqiijiyay ilaa Labo ruux ayaa ku geeriyootay magaalada baydhabo kadib markii ay ku dhaceen ceel ku yaalla Xaafadda Jiira garoob oo mid ka ah xaafadaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dadgoobjoogayaal ah raggaasi ayaa si lama filaan ah ugu dhacay ceelksa.

waxaana weli socda dadaallo lagu doonayo in lagu soo saaro maydadkooda Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in ay ceelka ku dhacaan labadaasn qof .

Dadka Xaafadda iyo kooxaha gurmadka ayaa ku howlan sidii loo samata-bixin lahaa meydadka marxuuminta ceelka ku dhacay kuwaas oo la xaqiijiyay in ay dhinteen.

Allah ha u naxariisto, eheladoodana samir iyo iimaan ha ka siiyo.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe