Tuesday, August 18, 2026
HomeWararDibaddaDad cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday degaano hoostaga Jowhar.

Dad cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday degaano hoostaga Jowhar.

Inta la xaqiijiyay ilaa Saddex Ruux ayaa Cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday kuwo kalena waa ay la jiifaan degaano hoostaga Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar.

Degaannada Saar-saare iyo Gololeey Magacle ayaa cudurka uu ka dilay, waxaana ugu geeriyooday Saddex Ruux maadaama degaannadaas aysan ka jirin Goobo Caafimaad oo dadka lagu baxnaaniyo

Xoghayaha guud ee dowladda Hoose ee Magaalada Jowhar Maxamuud Xasan Bariise ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe uu kala hadlay Hay’adaha Caalamiga ah sidii Gurmad caafimaad loo gaarsiin lahaa goobaha laga xurreeyay Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe