Home Warar Dad badan oo rayid ah oo lagu dilay galbeedka Itoobiya

Dad badan oo rayid ah oo lagu dilay galbeedka Itoobiya

130

Ku dhawaad 100 qof ayaa lagu dilay gobalka Benishangul-Gumuz ee dhaca galbeedka dalka itoobiya
Weerarka oo ay geysteen maleeshiyo hubeysan ayaa lagu laayay dad xoolo dhaqato iyo beeraleey u badan waabarigii arbacada .

Dowlada itoobiya ayaa qirtay dhacada balse waxay sheegtay in ay baareyso sida ay wax u dhaceen.
Waa weerarkii afaraad oo dad rayid ah lagu laayo oo ka dhaca Benishangul-Gumuz.
Dowlada ayaa horay u geysay ciidanka federaalka itoobiya gobalka si ay arinta wax uga qabtaan.