Sunday, April 12, 2026
HomeWararDad Abaar ugu dhintay dowlad degaanka Soomaalida

Dad Abaar ugu dhintay dowlad degaanka Soomaalida

Wararka ka imaanaya degmada Maa’iso ee gobolka Sitti ee dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegaya in abaarta jirta ay macaluul u raacday deegannada degmadaa hoos taga qaarkood.

Dadka degaanka waxaa ay sheegen in Intaasi ay  dheer tahay in ay beryahan taagnayd colaad dhex taal qoomiyadaha Soomaalida iyo Canfarta.

Xuseen Qayaad Gadiid oo ka mid ah odayaasha deegaanka Maa’iso ayaa BBC u sheegay in dad ay u dhinteen gaajo darteed kadib saameynta ka dhalatay abaaraha ku dhuftay deegaanka.

Wuxuu intaas ku daray in dadka ay sida weyn u saameysay abaarta ay kamid yihiin haweenka iyo dadka da’da ah.

“Waxaa isugu key darmay abaar xun , daacuun caloola iyo dadka oo gaajo laaysay ..oo geelina uu dhimanayo”

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe