Kooxo hubeysan ayaa goordhaw Suuqa bakaaraha Nawaaxiga Masjidka Shuhadaa ku Toogtay Nin oday ahaa.
Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa ka dambeeyay dilka nin oday ahaa oo ilaa hada aan la garan heybtiisa ama waxa uu ahaa.
Goobjooge ku sugan Suuqa bakaaraha ayaa sheegay in meydka ninkaasi uu mudo yaalay meel ku dhaw Masjidka Shuhada.
“Oday ayuu ahaa dhowr xabo ayey ku dhufteen, wali majirto ciidamo katirsan dowladda oo goobta soo gaaray” ayuu yiri goobjoogaha.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka la dilay uu kamid ahaa ergadii xildhibaanada kasoo doortay koonfur kalbeed

