Saturday, March 22, 2025
HomeDhageysiDAAWO:-Mashaariic Hormarineed oo Hobyo Laga Hirgaliyay

DAAWO:-Mashaariic Hormarineed oo Hobyo Laga Hirgaliyay

Mashaariicdan Hormarineed Ee Laga hirgaliyay Hobya ayaa waxaa ka mid ah Istibal ay Bulshada ay ka Helaan adeegyada Caafimadka oo Bilash ah iyo Xarunta loogu talagalay ina ay Ku Shirkaan Maamulka iyo Bulshada Magaalada.

Hirgalinta Mashariicdan waxaa si wadajir ah isaga kaashaday Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug,Maamulka Degmada Hobyo iyo Hay’adda CPD oo ka shaqeysa Hormarinta Degaanka, Waxaana Munaasabada Xariga jirka ka qeyb Galay Wasiirka Wasaarada Caafimadka Dowlad Goboleedka Galmudug, Agasimaha wasarada Arimaha Gudaha, Maamulka Degmada iyo qeybaha kale Ee Bulshada.

Igu Horey waxaa Munaasabada Daah furay Gudomiyaha Degmada Hobyo Abdulahi ahmed Ali iyo Ku Xigeenkiisa Mohamud Cawaale.

Dhanka kale waxaa ayaguna gobta hadalo mahad celin ah ka jeediyay qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb Galay.

Agaasimaha wasarada Arimaha Gudaha  Galmudug Warsame Mohamed kheyliye iyo wasiirka Wasaarada Caafimadka Galmudug Naciima Mohamed catoosh Ayaa Xusay in Mashaariicdan ay Ahmiyad gooni ah uleeyihiin Bulshada Hobyo Islamarkaana looga baahan yahay in ay ka faaideystaan dadka degaanka Waxa ayna sidokale umahad celiyeen dhamaan Hay’addihii ka qeyb qaatay fulinta mashaariicdaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe