Friday, April 18, 2025
HomeDhageysiDAAWO:-Baarlamaanka Galmudug oo Cadaado U Ansixiyay Xaruunta Baarlamaanka galmudug

DAAWO:-Baarlamaanka Galmudug oo Cadaado U Ansixiyay Xaruunta Baarlamaanka galmudug

Kulanka Xildhibanaada Baarlamanka Galmudug uu shir gudoomiyay Cali Gacal Casir oo ay soo xaadireen 46 mudane ayaa cod aqabiyad ah ku ansixiyay in Cadaado ay tahay xarunta baarlamaanka galmudug iyadoona Cadaado horey xarunta baarlamanka Galmudug  ugu magacabeen madaxweynaha dowlada Somaliya iyo Madaxweunaha Galmudug

Xildhibaanada oo cod gacan taag ah ku ansixiyay in Cadaado tahay xarunta baarlamanka Galmudug ayaa natiijada cod bixinta waxaa ku dhawaaqay gudoomiye Cali Gacal Casir

kulanka kadib Qaarkamid ah xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in maanta ay ku faraxsan yihiin ansixinta xarunta baarlamanka Galmudug

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo dhankiisa la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay ansixinta xarunta baarlamanka galmudug waxuuna sheegay in lagu dari doono dastuurka Galmudug

23 kii bishii janaayo ee sanadkan ayaa Madaxweynaha Somaliya Maxamed Claahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale geele Xaaf waxay siwadajir ah Cadadao ugu magacaabeen inay tahay xarunta baarlamaanka Galmudug

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe