Monday, May 27, 2024
HomeWararDaacish oo soo saartay muuqaal cusub oo ka hadlaya dhaqdhaqaaqyada ay ka...

Daacish oo soo saartay muuqaal cusub oo ka hadlaya dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan Soomaaliya

Ururka Daacish ee Soomaaliya Wilaayadda, ayaa soo saartay muuqaal  cusub oo diirada lagu saarayo in kooxda  mar kale ku dhawaaqday inay cadow ku yihiin Alshabab.

Muuqaalka cusub oo la soo duubay, waxay Daacishta ku riddaysay Al-Shabaab, Taalibaan iyo Al-Qaacida.

Daacish waxay sheeganeysaa inay fashilisay shirqoolo badan oo ay ka dambeeyaan Alshabab.

Fiidiyowgu wuxuu kaloo muujinayaa dagaal u dhexeeya labada koox ee aagga buuraleyda Al-Miraale ee Puntland, kaasoo sababay dhimashada laba dagaalyahanno oo katirsanaa Alshabaab.

Daacish waxay muuqaalka kusoo bandhigaysaa, maxaabiis, dagaalamayaal uga dhintay weeraro ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale kasoo muuqanaya saraakiil sare iyo askar cusub oo ay qoratay.

Waxaa sidoo kale kasoo muuqanaya hub ay kusoo furteen dagaalo iyo sida ay u qorsheeyaan weerarada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe