Friday, February 14, 2025
HomeWararDaacish oo sheegatay Masuuliyada Laba ruux oo lagu dilay muqdisho

Daacish oo sheegatay Masuuliyada Laba ruux oo lagu dilay muqdisho

Kooxda ISIS ayaa sheegatay Mas’uuliyiyadda dilka Labo ruux oo ka mid ahaa Shaqaallaha rayidka ah ee dowladda,kuwaasoo dhawaan lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Daacish ayaa soo bandhigtay Muuqaal ku aadan labada ruux ee lagu dilay Muqdisho, waxaana Daacish ay sheegtay in labadaasi ruux ay dileen xubno ka mid ah Daacish-ta ka howlgalla Soomaaliya.

Muuqaalka ayaa waxaa ka dhex muuqday nin Bastoolad ku hubeysan oo dilaya labada ruux oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen shaqaallaha Maaliyadda ee dowladda Soomaaliya.

Daacish ayaa bilihii lasoo dhaafay Muqdisho iyo degmada Afgooye waxa ay ka waday dilal taxane ah.

Daacish horay waxa ay usoo bandhigtay Muuqaallada xubno ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe