Ururka Daacish ayaa sheegtay dilka 14 kamid ah xarakada Al-shabaab oo kadhacay duleedka Degmada Qandala ee Gobolka Bari,halkaas oo ay Daacish sheegtay in ay weerar ku qaadday saldhig ay AL-shabaab ku sugnaayeen.
War lagu daabacay Bogga Internetka ee Acmaaq oo kuhadla Afk Daacish ayaa lagu sheegay in Ciidamada Daacish ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidanka Al-shabaab ku lahaayeen degaanka B’ir Mirali oo koofur Galbeed uga began degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Daacish waxaa ay sheegtay in Saldhigga ay weerartay ay Al-shabaab ka abaabulayeen weerar ka dhan ah Daacish,kana hortgay iyada oo sheegatay in Hubkii ay Raggaasiwateenna ala wareegeen.
Dagaalkan oo aysan ilaa hadda xaqiijin dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku soo aadaya iyada oo dhawaan Daacish ay ku hanjabtay in ay bilaaabeyso dagaal aargudasho ah oo ka dha ah AL-shabaab kaddib markii ay ku eedeysay AL-shabaab in xubnaha ka mid ah Daacish ay ku bartilmaameedsadaan Koofurta Soomaaliya.
Wargeyska Long War Journal oo soo xiganaya Acmaaq ayaa sheegay in Daacish ay billowday wax uu ku sifeeyay jawaab falcelin u ah weerarrada ka dhanka ah xubnaha Daacish ee ay Al-shabab ka geysato meelo ka mid ah Soomaaliya.
Isha: Long War JournalÂ