Home Warar Culeysyo hor leh oo kusoo kordhay doorashada Somalia{AKHRISO}

Culeysyo hor leh oo kusoo kordhay doorashada Somalia{AKHRISO}

149

Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa faah faahiyay qodobada la isku diidan yahay ee doorashooyinka dalka iyo culeysyada xilligan ku soo kordhay doorashooyinka uu muranka badani hareeyay.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa sheegay intii muddo ahba in uu la socday arrimaha doorashooyinka, uuna ka mid ahaa dadkii wax ka qoraayay, isla-markaana ay xilligan shan qodob yihiin qodobada ugu muhiimsan, ee heshiiskii shan iyo tobanka qodob ka koobnaa, ee 17-kii bishii September ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ku wada gaareen Magaalada Muqdisho, Baarlamaankuna uu ansixiyay.

Isagoo ka qayb qaadanayay Barmaamijka Doodda Jimcaha (Waxa ay ila tahay) ee BBC ayuu kaga waramay qodobadan iyo sida ay qaarkood caqabad hor lihi ugu noqdeen doorashooyinkii dalka.

“Waxa hadda la isku hayaa waa uun shan qodob oo keliya. Qodobka 1aad waa guddiyada maamulaya ee dadka tartamaya u garsooraya, sida ay ku imaanaayaan iyo halbeygyada laga rabo inay buuxiyaan,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi Cilmi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Qodobka 2aad-na waa magaalada labaad, hadda Garbahaarey uun baa aad afka loogu hayaa, laakiin waxaa soo baxday runtii culeysyo la xiriira xagga mugga, markii horeba Maamulada Goboladu waxay rabeen uun in Magaalo Madaxda ku qabtaan doorashada, haddana waxaa muuqata in dhibaatooyin ay ka jiraan magaalada labaad intooda badan, Baraawe dheh ama Beledweyne dheh ama xitaa kuwa kale dheh. Markaad fiiriso mushkilo magaalada labaad la xiriirta ayaa timid.”

Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa yiri “Waxaa kaloo jirta oo dood culus ka taagantahay Guddiyada Somaliland, maadaama ay xaalad gaara tahay arrintoodu iyo cidda xaqa u leh inay maareyso iyo arrimo noocaasoo kale ah. Waa qodob ay isku hayaan dadka siyaasadda hadda ay ka dhaxeyso.”

Afyare oo qodobadaan sii faah faahinayay ayaa yiri “Waxaa kaloo ayadana runtii muhiim ah haweenka boqolkiiba soddon (30%) inay hellaan waaye, mab’da guud oo la isku waafaqsan yahay waaye, laakiin kuraastaas marka loo qoondeynayo iyo habka loogu qoondeynayo weli siyaasiyiintu way ka meer-meerayaan, ma cadda.”

Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo ka waramayay qodobka 5aad ayaa yiri “Qodobka ugu dambeeyo oo ah ergada wax dooraneysa, sida loo soo magacaabaayo. Qodob meesha ku qoran wuxuu leeyahay Dowlad Goboleedyada, bulshada rayidka iyo waxaa isla soo magacaabaya Odayaasha Dhaqanka. Arrintaas waxay abuurtay xooggaa walwal iyo wax boob inay meesha ku hoos jiri karaan.”

Maxay yihiin shantan qodob?

Prof. Afyare ayaa ku waramaya “Shantaa qodob ayaa aasaas ah oo shantuba ay yihiin fulinta heshiiska mabda’a ah, marka waxaa ila quman inaysan naga ballaaran oo doodda marka aan niraahno, haddii shantaa qodob ay tahay, bal aan qodob qodob u fiirino, oo markaa waxa macquulka ah ee laga abaari karo laga abaaro.”

Prof. Afyare ayaa qaba inaanay wax adag meesha oolin, haddii ay biseyl siyaasadeed la yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isagoona ka digay in khilaafkooda ay ku dhibaan shacabka, dalkana ku geliyaan qalqal siyaasadeed.

“Anu waxaan aaminsanahay wax adag meeshaan ma yaallaan, haddii rabitaan jiro, oo nimankan madaxda ah hadda dee ku adkey, ku giiji iyo waxaasaa ka socdo meesha, laakiin haddii rabitaan jiro waxaan wax adag maaha, waa wax si sahlan looga gudbi karo, yaan dadka lagu dhibin, dalkana aan lagu gelin qalqal siyaasadeed,” ayuu yiri Afyare Cabdi Cilmi.