Wednesday, January 15, 2025
HomeWararka MaantaCiyaaraha: Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta 6/6/2018

Ciyaaraha: Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta 6/6/2018

Manchester United ayaa dalab ka gudbisay daafaca Sevilla Clement Lenglet kaas oo 22-jir ah. xiddiga reer France waxaa heshiiskiisa lagu jabin karaa 30.7 Malyan oo Pound. (L’Equipe)

Man United ayaa xooga saari doonta saxiixa xiddiga Tottenham Toby Alderweireld kaas oo 29-jir ah, laguna qiimeeyo 55 Malyan oo Pound. (Telegraph)

Halyeeyga Ivory Coast Yaya Toure oo 35-jir ah ayaa rajeynaya inuu mushaar isbuucii 1 Pound ah ugu biiro mid ka mid ah lixda kooxood ee ugu sareysa Premier League sida uu sheegay wakiilkiisa. (Express)

Tottenham Hotspur ayaa qorsheyneysa iney lasoo saxiixato 22-jirka reer France Iyo kooxda Manchester United Anthony Martial isbuuca soo aadan. (Mail)

Liverpool ayaa qorsheyneysa iney 10 Malyan oo Pound kusoo qaadato garabka reer Nigeria ee kooxda Gent Moses Simon. (Liverpool Echo)

Chelsea ayaa kusoo biirtay kooxaha doonaya weeraryahanka reer Venezuela iyo kooxda West Brom Salomon Rondon, kaas oo lagu heli karo 16 Malyan oo Pound. (Mirror)

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe