Cismaan Taar dhuleed ayaa sheegay, dagaalkii ka dhanka ahaa Shabaab ee socday labadii ee ugu dambeysay in uu kusoo ururay in difaac laga xirto magaalada Dhuusomareeb. wuxuu u sababeeyay in aan daacad laga ahayn dagaalka.
Wasiirkii hore ee amniga Galmudug waxa uu aaminsan yahay dadka uu madaxweyne Xasan Sheikh u xilsaaray dagaalka Alshabaab in aanay sidii la rabay wax u wadin. Wuxuu tilmaamay labo bilood kaddib in ay muuqato in ummadda Soomaaliyeed iyo madaxweynuhuba aysan ku qanacsanayn sida ay wax u socdaan.
“2-bilood kadib dagaal Alshabaab, Dhusamareeb baa difaac looga jiraa, safarkii Madaxweynaha wuu Fashilmay,” ayuu yiri wasiir hore Taar-dhuleed.

