Sunday, October 18, 2026
HomeWararDibaddaCiidanka xoogga oo qabtay Wiil As sahan qaraxyo u ahaa iyo Wasiir...

Ciidanka xoogga oo qabtay Wiil As sahan qaraxyo u ahaa iyo Wasiir ka hadlay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Xaraardheere ee gobolka Mudug, ayaa gacanta ku dhigay Cismaan Maxamuud Barre oo 17 jir ah oo katirsan kooxda As

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay, in ninkan dhallinyarada ah loosoo diray, si uu u sahmiyo waddooyinka fudud iyo meelaha laga soo gelin karo qaraxyada magaalada Xarardheere.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay, in Shabaabku bilaabeen in ay adeegsadaan caruurta yaryar.

Wasiirka arrimaha gudah Mr. Fiqi waxa uu sheegay in ciidamada iyo dadka deegaanka Xarardheere oo isku xiran ay mar kasta fashiliyaan isku dayada Shabaabku ku doonayaan in ay ku dhibaaateeyeen bulshada.

Ciidanka Dowladda oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa magaalada Xarardheere ka xoreeyay kooxda Alshabaab bishii January ee sanadkan. Waxay ahayd magaalooyinkii ugu horeeyay ee lagu xoreeyay wajigii 1-aad ee howlgalka ka dhanka ah As.

Degmada Xarardheere ayaa xoraynta kaddib noqotay magaalo dadkii ka qaxay ay dib ugusoo laabteen, iyadoo dib loo furay xarumihii waxbarashada iyo dugsiyadii qur’aanka muddo 16 sano ah kaddib.

Tan iyo sidii loo xoreeyay weli As uma suuro galin inay weerar kusoo qaadaan magaaladan.

QORAALADA LA XIRIIRA

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe