Home Warar Ciidanka Puntland oo howlgalo ka sameeyay deegaano Buuraley ah

Ciidanka Puntland oo howlgalo ka sameeyay deegaano Buuraley ah

108

Ciidanka ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano buuley ah oo ka tirsan Gobolka Bari ee Maamulkaas.
Howlgalka Ciidamada Puntland ayaa waxaa uu ujeedkiisu ahaa mid looga hortegayay miinooyinka Al-shabaab, xiliyada qaarkood geliyaan waddooyinka u dhexeeya deegaanada kala ah Sugure, Balikhadar iyo Galgala.

Taliska Ciidanka PSF oo ka hadlay howlgalka ayaa sheegay in Ciidamada ay macluumaad ka heleen deegaanada howlgalka laga fuliyay, isla markaana ay doonayaan inay ka hortegayaan falalka amni darro ee halkaas ka dhaca.
Sidoo kale Ciidamada ayaa howlgal kale oo amniga lagu xaqiijiayay ka sameeyay deegaanada Ceel Kharaar, Dameer,Ceel Cadayle iyo Xamur ee Buuraha Cal Madow ee Gobolka Bari, maadaama deegaan ka tirsan halkaas ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.
Inta badan Ciidanka ammaanka dowlad GoboleedkaPuntland ayaa howlgalo kala duwan ka sameeya deegaano ka tirsan Gobolka Bari, waxaana ay kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish iyo hub.