Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Qeybtooda Galmudug ayaa caawa gabi ahaan la wareegay xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado
Xarunta madaxtooyada ayaa bilihii dambe waxaa ku sugnaa maleeshiyo beeleed balse caawa ayaa si nabad ah waxaa kula wareegay ciidanka NISA
Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado ayaa loo diyaarinayaa doorashada hogaanka Galmudug maadama gabogabo yahay mudo xileedka baarlamanka iyo hogaanka Galmudug
Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in madaxtooyada ay kormeeran masuuliyiin katirsan Galmudug iyo maamulka degmada Cadaado
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Sanataro iyo Xildhibaano faderaalka ah kana soo jeeda Galmudug ay soo gaaraan magaalada Cadaado






