Saturday, June 27, 2026
HomeWararCiidanka Haramcad oo fal yaab leh ku kacay kadib qaraxyadii xalay ee...

Ciidanka Haramcad oo fal yaab leh ku kacay kadib qaraxyadii xalay ee Muqdisho

Ciidanka Haramcad ayaa isugu daray Jirdil iyo xarig sharci-darro ah qaar ka mid ah Suxufiyiinta ka howl-gala Warbaahinta Madaxa Banaan ee magaalada Muqdisho oo isu diyaarinayey tebinta dhibaatadii ka dhalatay weerarkii xalay lagu qaaday Saldhigga Degmada Kaxda.

Wariyayaasha xarigga iyo tacadiyada loo geystay ayaa aaday Saakay Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir si ay u soo tabiyaan warar ku saabsan weerarkii ka dhacay Degmada Kaxda kaas oo ay masuuliyaddiisu sheegatay kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirto ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ciidanka ku kacay falkan lagu dhibateeyay Suxufiyiinta ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Ciidamada Haramcad (Fanax) oo ka mid ah saraakiisha ku caanbaxday xadgudubyada ka dhanka ah xarumaha saxaafadda iyo Xuquuqda Aadanaha.

Wariyaasha jirdilka loo geystay ayaa waxaa ka mid ah Agaasimaha (Five Tv) Aweys Maxamuud Jilacow iyo qaar ka mid ah Wariyaasha ka howgala Tv-yada (Somali Cable) & (Dalsan Tv).

Warbaahinta ayaa heshay sawirro muujinayo Suxufiyiinta oo laga qaaday qalabkii ay ku howl-galayeen dabadeedna xabadka dhulka loo dhigay, islamarkaasna uu ag-taagan yahay Taliye Fanax oo horkacayay ciidanka tacadigaas geystay.

Qoraal kaidb falkaas ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in la xiray ciidankii falkaas gaystay, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo sharciga lagu marsiinayo.

Maahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Haramcad sameeyaan fal noocaan oo kale ah, waxaana ka horeeyey tacadiyo ay u geysteen qaar kamid ah wariyayaasha Soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe