Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada Khaalid Binu Waliid ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ku buburiyay fariisimo kooxda as ku laheyd degaano hoostaga degmooyinka Galcad iyo Ruunirgood ee gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay dhulka howdka ah ee ku dhadhaw Galcad iyo Ruunirgood, iyadoo warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay sawirada godod waaweyn oo gambaad iyo difaacyo u ahaa kooxda iyo waliba bicihii ay biyuhu ugu jireen oo ay ka carareen.
Taliyaha hoggaaminaayay howlgaladaan ee guutada Khaalid Binu Waliid Maxamed Dhagaweyne oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhulka howdka ah ee hoostaga dagmooyinka Runirgood iyo Galcad ay ku burburiyeen fariisimihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen.

