Tuesday, June 23, 2026
HomeWararDibaddaCiidanka dowladda Fedaraalka oo dib ula wareegay deegaanka Goofgaduud buureey

Ciidanka dowladda Fedaraalka oo dib ula wareegay deegaanka Goofgaduud buureey

Ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa dib u qabsaday deegaanka Goofgaduud buureey oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaakada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kooxda as ayaa deegaanka Goofgaduud buureey oo qiyaas ahaan Baydhaba u jira 30 KM dagaal culus kula wareegtay Axadii lasoo dhaafay.

Deegaankaan ayaa ka mid yahay deegaanada istaraatiijiga ah ee laga difaaco magaalada Baydhabo oo ah Caasimadda kumeel gaarka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamadii ASee ku sugnaa deegaankaas ayaa la sheegay iney isaga baxeen halkaas, kadib markii ay ka warheleen in ciidanka xoogga dalka ay weerar kusoo yihiin deegaanka Goofgaduud buureey, iyadoo ciidamada dowladda ay si nabad ah kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka.

Al-shabaab ayaa marar badan weeraro culus ku qaaday deegaankaan, mana ahan markii ugu horeysay oo ay la wareegto gacan ku heynta deegaanka Goofgaduud buureey ee gobolka Baay oo ugu dambeyn markale soo gashay gacanta ciidanka dowladda fedaraalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe