Monday, April 15, 2024
HomeWararCiidanka DANAB oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka DANAB oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska xooga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB iyo Ciidanka Daraawiishta Dowlad goboleedka Jjubbaland ayaa si wadajir ah waxaa ay u fuliyeen howlgallo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa a ka fuliyeen degaannada kala ah  Guba-Kibir, Dharkeen iyo Urur Canjeel ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga sidoo kalena looga hortagayay weerarada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab sidoo kale ay kula wareegeen degaano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degaannada Guba-Kibir, Dharkeen iyo Urur Canjeel ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada dowladda ay weli howlgalka wadaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe