Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusmareeb ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gaareen ciidan horudhac u ah wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku wajahan Galmudug.
Ciidamadan oo boqolaal gaaraya, isuguna jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Hay’adda Nabad Sugidda ayaa maalmo ka hor laga diray Magaalada Muqdisho, iyagoona safar dhinaca dhulka ku gaaray duleedka magaaladaasi.
Ciidamadan ayaa la soo sheegaya in ay fariisimo ka sameysteen goobo uu ka mid yahay Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur.
Wafdi horudhaca u ah safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Dhuusamareeb ayaa sidoo kale gaaraya magaaladaasi.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad uu ku wajahan yahay Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka soo laabtay safar uu maalmahaanba ugu maqnaa dalka Talyaaniga ayaa la filayaa in safarkiisa ugu horreya uu ugu ambabaxo Dhuusmaareeb, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin.

