Friday, February 14, 2025
HomeWararCiidamo howlgal ka bilaabay degaano hoostaga Magalada Dhuusamareeb

Ciidamo howlgal ka bilaabay degaano hoostaga Magalada Dhuusamareeb

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay duleedka Magaaladaas ka bilaabeen howlgalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Cusub ee Ciidanka Nabad sugida Magaalada Dhusamareeb Cabdi Shakuur  Yare, waxaana Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ay sigaar ah uga sameeyeen howlgalka deegaano Dhuusamareeb ka xiga koonfur iyo Waqooyi dhowr marna ay ka dhaceen falal amniga lid ku ah.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Nabad sugida Magaalada Dhusamareeb Cabdi Shakuur  Yare ayaa la kulmay dadka ku nool tuulooyink ay Ciidamada howlgalka ku tagen, isaga oo ugu baaqay inay kala Shaqeyaan sugida amniga, kuna soo wageliyaan hadii ay arkaan waxyaabo lidi ku ah amniga.

Waa howlgalkii ugu horeeyay ee taliyaha Cusub ee Ciidamada Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb uu deegaano hoosyimaada Dhusamareeb ka sameeya tan iyo markii xilkaan loo magacaabay.

Tuulooyin hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa la sheegay in mararka qaar ay tagaan Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyaga oo dhowr jeer hoobiyeyaal kusoo weeraray magaalada Dhuusamareeb.

QORAALADA LA XIRIIRA

154 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe