Wednesday, August 26, 2026
HomeWararDibaddaCiidamo Hor Leh oo Ka Socda Itoobiya oo Usoo Talaabay Gudaha...

Ciidamo Hor Leh oo Ka Socda Itoobiya oo Usoo Talaabay Gudaha Soomaaliya.

Wararka naga soo gaaraya deegaanada dhaca xadka Soomaaliya ayaa sheegaa in maanta ay kasoo tallaabeen ciidamo horleh oo ka socda dalka Itoobiya, kuwaas oo kasoo galay dhinaca xadka ee gobollada Hiiraan iyo Bakool.

Ciidamadan ayaa lasoo wariyay inay ka yimaadeen dhinaca kilinka 5-aad, waxayna isku fidiyeen qaybo kamid ah koonfurta Soomaaliya.

Qaar kamid ah ciidamadan ayaa saldhigtay gobolka Bakool, halka kuwa kalena ay lugta ku galeen gobolka Gedo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.

Wararka qaar ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan ay aad u qalabeysan yihiin, isla markaana ay wataan gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan kuwa gaashaman.

Sidoo kale waxa ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen deegaanada ay gaareen, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan oo ay deegaansadaan.

Xaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ay deegaanadooda tageen ciidamadadaas.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo dhowaan dowladda Soomaaliya ay shaacisay in dalka ay ka baxayaan ciidamada Itoobiya ay qaybta ka ah ATMIS, waxaase ka horyimid maamulka Koonfur Galbeed oo ku andacooday inay gacan siiyaan dhanka ammaanka maamulka Koonfur galbeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe