Home Warar Ciidamado Gacanta Ku Dhigay Nin Watay Dharka Dumarka

Ciidamado Gacanta Ku Dhigay Nin Watay Dharka Dumarka

58

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir waxa ay kusoo qabtay Nin laga shakiyey oo xirnaa dharka Dumarka.

Ka hor soo qabashada Ninkaas ayaa la sheegay in dadka ku nool Aaga Iskuul Godey ee degmada Kaaraan ay ruuxaasi ka shakiyeen, isla markaana ay ciidamada ku wargeliyeen, sidaasina ay ciidamadu ku qabteen.

Ciidamada ayaa sidoo kale baaritaan waxa ay ku sameeyeen Ninkaasi xirnaa dharka dumar,waxaana saraakiil dhinaca ammaanka ah ay Codka Gobolada Dhexe u sheegeen in baaritaan kadib laga waayay wax hub ah laguna wareejiyey Hay’adaha kale ee Amniga.

Howlgalkaan xalay laga sameeyey xaafada ka tirsan degmada Kaaraan laguna soo qabtay Nin soo xirtay dharka Dumarka ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay Magalada Muqdisho ay ka dhacayeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo