Ciidamadii ugu badnaa ayaa lagu kordhiyay saldhig kasta oo ku yaalla degmooyinka Muqdisho, iyadoo la arkayo dhaq-dhaqaaq ciidan oo aan caadi ahayn. Meel kasta waxaa lagu arkayaa askar dheeraad ah oo lagu biiriyay kuwii horey u joogay, taasoo muujinaysa feejignaan sare oo dhanka amniga ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa si muuqata u adkeyneysa ammaanka caasimadda, iyadoo laga cabsi qabo in xaalado kacsan ay ka dhashaan 15-ta May2026. Tallaabooyinkan degdegga ah ayaa imanaya xilli siyaasadda dalka ay aad u kulushahay.
Degmooyinka ku yaala duleedka Muqdisho, gaar ahaan meelaha laga soo galo magaalada sida Dayniile iyo Hilwaa, ayaa si gaar ah loo xoojiyay. Ciidamo badan ayaa la dhigay waddooyinka muhiimka ah iyo goobaha laga ilaaliyo soo gelitaanka magaalada.
Ciidamada kala duwan ee dowladda Ayaa la geliyay heegan buuxa, iyadoo amar lagu bixiyay in la ilaaliyo amniga guud ee caasimadda. Dhaqdhaqaaqyada ciidanka ayaa noqday kuwo si joogto ah loo dareemayo maalmahan.
Arrintan waxay dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan waxa dhici kara maalmaha soo socda, gaar ahaan 15-ka May oo laga cabsi qabo in ay noqoto maalin xasaasi ah. Dadka qaar waxay u arkaan taxaddar, halka kuwa kale ay ka muujinayaan walaac.

