Monday, July 22, 2024
HomeWararCiidamada Xasilinta oo joojiyay dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud

Ciidamada Xasilinta oo joojiyay dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud

Ciidamada Xooga Dalka Qeybtooda 21-aad iyo Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Qeybtooda Galmudug ayaa ku kala dhex jira dhinacyadii ku Dagaalamay Deegaanka Hardis.

Ciidamada Xasilinta Galmudug oo ka kooban Taliska Qaybta 21.aad oo uu Hogaaminayo Taliyahooda Jenaraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo uu Horkacayo Taliye Cali Cilmi (Ilkacase) Xubno ka socda Gudiga Xasilinta, Ugaas axmed Barre Cali (Taakooy) iyo Golaha odayaasha Dhaqanka ayaa hameenkii labaad ku sugan Deegaanka #Hardis ee hoos yimaada Degmada Balanballe.

Waxaa ay wali ku jiraan Xalinta Xiisadii ka dhacday Deegaanka, waxaana ay ku kala dhex jiraan dhinacyadii 11, Bishaan ku dagaalamay Deegaankaasi.

Maanta oo lagu waday in uu furmo wadahadalka labada dhinac ayaysan suurta galin, Taasoo la sheegay in dib u dhac uu ku yimid.

Waxaa sidoo kale wali lagu dhex jiraa dhinacyadii Dagaalamay, Waxaana Qorshaha hore ee wadahadalka uu yahay in lakala qaado ciidamadii Dagaalamau si loogu gudbo xalka xiga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe