“Hada waxaanu taaganahay Goojacadde, Alle saaka waana guuleeyay, nimankiina waa carareen Goodi ayay sii socdaan, hada halkan aynu taaganahay waa talis koodii ugu waynaa ee ay deeganada SSC ku layaaheen” mid kamid ah raga ciidanka hoggaaminayay ayaa sidaa yidhi.
Dagaalka oo saaka xili hore bilaabmay ayaa ciidamada Somaliland lagu gaadhsiiyay jab xoogan, iyada oo ay tahay markii kowaad ee ciidamada SSC ay qabsadaan saldhigyadan muhiim ka ah.
Dagaalka ayaa wali soconaya waxaana la sugaya halka uu ku dhamaado, iyo in ciidamada SSC ay gacanta ku sii hayn doonaan goobahan muhiim ka ah ee ay qabsadeen.

